Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku dhex maray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed.
Kulanka labada madaxweyne ayaa la sheegay inuu ku yimid dalabka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyadoo uu aqbalay Sheekh Shariif, waxayna ku kulmeen toddobaadkan magaalada Ankara muddo laba jeer ah oo mar uu Farmaajo ku wehliyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Qorshaha Farmaajo ka lahaa kulanka ayaa lagu sheegay sidii uu isbaheysi siyaasadeed ula sameysan lahaa Sheekh Shariif, kana cafiyo khaladaadkii Sheekh Shariif kudhacay xiligii dowladda Farmaajo.
Isbaheysiga cusub ee Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa ujeedkiisu yahay in looga horjeedo Madaxweynaha xilka haya ee Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo la sheegay inay isku afgarteen.
Kulanka Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmay iyadoo dagaal culus uu dhex marayo ciidamada dowladda iyo Alshabaab, waxayna kicisay dareen looga horjeedo Sheekh Shariif.