Wednesday, September 18, 2024

Xog laga helay Diyaaradihii Milateriga Dalka Masar ee ka degay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa saraakiishii ugu horeysay ciidamo ka socda dalka Masar iyo Saanad Milateri oo shalay gaartay caasimadda Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Laba Diyaaradood oo ka degay Garoonka Muqdisho ay ahaayeen diyaarado Xamuul oo ay leeyihiin Milateriga Dowladda, kuwaas oo Soomaaliya geeyay Saanad milateri.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters waxay arrintan sii xoojineysaa xiriirka milateri ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo kordhin doonta xiisadda ka dhaxeysa Somaliya iyo Ethiopia.

Ad

Diyaaradaha Milateriga Masar ee shalay ka degay Garoonka Adden Cadde ayaa la sheegay inay wadeen Saanad Milateri oo dowladda Masar ku taageereyso Ciidamada Soomaaliya, waxaana la socday saraakiil milateri oo la-taliyeyaal ah.

Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa dhowaan kala saxiixday heshiis milateri iyo iskaashi dhinaca Amniga ah, kaasoo yimid kadib, tallaabadii ay Itoobiya qaaday oo ay heshiis kula gashay maamulka Somaliland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON