Faahfaahin hor leh ayaa laga helayaa baarista weerarkii Alshabaab ku qaaday Hotelka SYL ee ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya oo su’aalo badan dhaliyay, isla markaana ahaa weerarkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo muddo sanad ah ka dhaca caasimadda.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu cadaadis weyn ku saaray Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA inay degdeg natiijo uga gaarto baarista kiiskan, kadib markii uu tegay xarunta NISA.
Waxaa xabsiga soo taxaabay in ka badan 10 askari oo ahaa kuwii ku sugnaa Barta Sayidka oo ahaa Goobtii ay ka gudbeen baabuurta ay adeegsadeen maleeshiyadii Alshabaab ee weerartay Hotelka SYL.
Waxaa kaloo la aqoonsaday milkiilayaasha labada Gaari ee ay wateen maleeshiyada iyo dadkii ku qornaa inay leeyihiin oo iyagana la xiray, waxaana la sheegay in lagu raadjoogo xiriirada ay sameeyeen saraakiil iyo xog laga helay maleeshiyadii Hotelka gashay.
Dhinaca kale Taliska Booliska ayaa isbedel ku sameeyay qaar ka mida taliyeyasha saldhiga Gobolka Banaadir, iyadoo xilalkii laga qaaday taliyeyaasha saldhigyada Waaberi, Howl-wadaag, Wardhiigley, Heliwaa iyo Kaxda.
Waxaa la filayaa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qaado tallaabooyin uu isbedel ku sameynayo madaxda hay’adaha Amniga, isagoo Talisyada Booliska iyo NISA ka dalbaday inay natiijada baaritaan degdeg u so gabagabeeyaan.