Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa dhaawac yar kasoo gaaray Dhegta midig, kaddib markii rasaas loogu dan lahaa in lagu khaarijiyo lagu riday, xilli uu khudbad ka jeedinayay bannaanbax doorasho oo ka socday magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania.
Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa aqoonsatay ninka toogashadaasi fuliyey, waxaana lagu sheegay Thomas Matthew Crooks oo 20 sano jir ah, kanaka soo jeeda isla gobolka Pennsylvania.
Xogta laga helay wiilkan 20-sano jirka ah ayaa sheegeysa in baaritaanka kiiskan uu socdo, si loo ogaado sababta ka dambeysay isku daygii dilka ee Donald Trump, waxaana ninkan uu ka tiranaa Xisbiga Jamhuuriga ee madaxweynihii hore Trump.
Rasaasta ayaa waxay Trump kaga dhacday qeybta sare ee Dhegtiisa midig, waxaana
markiiba hadalkii joojiyay oo Qoorta qabsaday kadibna dhulka ku dhacay Donald Trump. Taasi ayaa goobta ka dhalisay argagax iyo qeylo dhaan ay sameeyeen dadki goobta joogay.
Ciidamada ilaa gaarka ah ee Secret service loo yaqaanno ayaa ku hagoogtay Trump, waxana la arkayay Trump oo wejiga dhiig yar ku leh oo gacanta kor u taaqaya, isaga oo u muuqday inuu qeylinayay.
Waxaa isla markiiba la toogtay qofki weeraray Donald Trump, waxaana goobta ku dhintay qof ka mid ahaa dadkii bannaanbaxa joogay, iyadoo laba kale ay dhaawac halis ah ku noqdeen halkaasi.
Falkan waxaa waxaa cambaareeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris iyo madaxweynihi hore ee Mareykanka Barack Obama.
Hay’adda FBI ayaa la wareegtay hogaaminta baaritaanka isku daygii dil ee madaxweynihii hore Donald Trump.