Wednesday, September 18, 2024

XOG: Labo Qodob oo la isku mari waayay Wadahadalkii Somaliya iyo Turkiga oo ku dhawaaqay…

Wadahalladii Soomaaliya iyo Itoobiya uga socday Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa la isku mari la’ yahay qodobadii ugu horeeyay, iyadoo uu shirku xirmay xalay Saqdii Dhexe kadib, lana filayo inuu fashil kusoo dhammmaado.

Maanta ayaa mar kale labada dhinac in Turkigu isku day kale sameeyo ama ku dhawaaqo inuu soo dhammaaday natiijo la’aan, Mana jirin kulamo toos ama si fool-ka-fool ah oo dhex maray labada wafdi.

Labada Wafdi ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay kala hoggaminayaan Wasiirada Arrimaha dibadda ayaa laba jeer shalay tegay Xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, waxaana saacado dheer qaatay dadaalka dowladda Turkiga si xal loogu helo arrimaha ugu adag ee horyaalla shirka.

Ad

Xogta laga helay diblomaasiyiinta Turkiga ayaa sheegeysa in wadahadalkii dhacay halay ilaa xalay la isku mari waayey laba qodob oo adag, kuwaas oo kala ah:

1- INAY ITOOBIYA KA NOQOTO IS-FAHAMKII AY LA GAARTAY SOMAILAND
2- IYO QAABKA LOO DHIGAYO IS AFGARAD CUSUB OO DHEX MARA SOMALIA IYO ITOOBIYA

Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo ku dhex jira labada wafdi ee Somaliya iyo Itoobiya oo si kala gaara ula kulmay, iyadoo shirarku hakad galeen ayaa laga cabsi qabaa in wadahadalladu mar kale burburaan.

- Advertisement -

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Turkigu ku dhawaaqayo inuu soo dhammaaday wareegii labaad ee wadahadalka, isla markaana wareeg kale la isugu imaan doono bisha September.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON