Friday, March 28, 2025

XOG: Laba ka mida Xildhibaanadii u ololeeyay xil ka qaadista Jawaari oo lagu abaal mariyey xilal Wasiirnimo

Laba ka mida xildhibaanadii ololaha weyn u galay in xilka laga qaado Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa lagu abaal mariyey jagooyin wasiir oo ay ka heleen xukuuumadda Soomaaliya.

Wareegtadii maanta kasoo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa xilal wasiirnimo loogu magacaabay xildhibaan C/llaahi Goodax Barre iyo Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen (Badni) oo ahaa xildhibaanadii hoggaaminayey ololihii xil ka qaadista Guddoomiye Jawaari oo si weyn loogu bartay weerarka shaqsiga ah ee ay warbaahinta u marin jireen.

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ahaa  taageeraha ugu weyn ee dowladda madaxweyne Farmaajo iyo saaxiib u dhow labada xafiis ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu tilmaamay weeraryahan culus oo kusoo biiray kooxda Nabad & Nolol sida uu baraha bulshada ku baahiyey wasiirka Dastuurka C/raxmmaan Xoosh Jibriil.

Ad

Xildhibaan Xuseen Badni oo ah nin aad ugu dhow Shariif Xasan ayaa loo arkaa mid madaxda dowladda ay ku fulinayaan balanqaadyo hore oo laga qaaday madaxweynaha maamul Goboleedka K/Galbeed.

In C/llaahi Goodax Barre ku biiro Xukuumadda Kheyre ayaa loo arkaa laba khasaare oo ku imaan karta dowladda hadda jirta, iyadoo marka hore ay weynayaan xildhibaan cod dheer oo ka dhex difaaca Baarlamaanka iyo inuu yahay qof aan la xakameyn karin oo la hubo inuu ku laaban doono taariikhdii uu dhigay markii uu wasiir ka noqday dowladii Xasan Sheekh.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON