Laba taliye oo agaasimeyaal kas oo noqday Hay’ada Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA ayaa olole ugu jira inay ka mid noqdaan Golaha wasiirada cusub.
Labadan taliye ayaa fursadahooda la sheegay inay yihiin kuwa liita iyadoo jiraan caqabado ku hor gudban inay inay xilalkaasi loo magacaabo.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa doonaya in loo magacaabo wasiir kadib markii uu ku fashilmay xilka Ra’iisal wasaaraha oo uu rajo badan ka qabay, waxaase xilkan arrintan ka hor istaagaya awood qeybsiga beeshiisa dhexdeeda maadaama madaxweynaha Galmudug oo lagu wado in loo doorto qof ka soo jeeda jufada Axmed Fiqi iyo xiriirka uu la leeyahay Farmaajo uu xumaaday.

C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa isna laga dareemay inuu olole weyn ugu jiro sidii uu uga mid noqon lahaa xukuumadda cusub, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiin diidanaa in xilka ra’iisal wasaaraha loo magacaabo qof ka soo jeeda beesha Abgaal.
Tuuryare ayaa fursadiisa ay tahay mid aad u hooseysa iyadoo awood qeybsiga beeshiisa uga soo aadaya xukuumadda uu safka hore u taagan yahay agaasimihii hore ee madaxtooyada Taabit Cabdi oo hadda ah saaxiibada ugu waaweyn ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Labadan taliye ee soo maray NISA ayaan wax muuqda ka qaban arrimaha ammaanka Muqdisho, waxaana maalmahan la arkayay iyagoo ololahooda ka wada baraha bulshada ku xiriirto.
Goobjooge.com