Waxaa maanta shahaadadda musharaxnimada Golaha Shacabka qaatay ku-simaha Agaasimaha Hay’adda NISA Yaasiin C/llaahi Farey oo u sharxan Kursiga Hop#067 ee Baarlamaanka 11-aad.
Arrintan oo qeylo-dhaan culus ka dhalisay Baraha bulshada ayaa soo bilaabatay horraantii bishan, waxaana kasoo shaqeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo La-taliyihiisa Fahad Yaasiin, iyagoo kaashanaya Boqor C/llaahi Geedi Shadoor oo kasoo jeeda Beesha Kursiga leh.
Kursiga Beesha Marrooyin/Waceysle ku leeyihiin Golaha Shacabka oo uu hore ugu fadhiyey ganacsade Caddow Cali Gees waxaa hadda qarka u saarna inuu qaato musharax Yaasiin Farey, taasoo ay ugu wacan tahay laba arrin oo kala ah inuu taageero ka heysta Farmaajo iyo in sidoo kale ay taageereen odayaasha Beesha Kursiga leh.
Nabaddoon Cali Jeesto oo ah odayga leh saxiixa Kursigan ayaa ugu danbeyn la qanciyey oo taageeray musharaxan, waxaana ergada qaarkood loo qaaday magaalada Dhuusamareeb, iyagoo qaar kale ku biiri doonaan, waxaana cad in Musharax Yaasiin Farey uu si fudud ugu guuleysan doono kursigan, inta ka horeysana uu yahay xildhibaan dooran.
Taliyihii hore ee NISA C/raxmaan Tuuryare oo ugu cadcadaa musharixiinta doonaya kursigan ayaa isaga haray marka uu arkay sida xaaladu ku socoto; waxaa sidoo kale ka quustay inuu is sharxo wasiirka Diinta iyo Awqaafta xukuumadda xilgaarsiinta Cumar Cali Rooble, kadib markii uu waayey taageerada Farmaajo.
Labadii Baarlamaan ee ugu danbeeyay kursiga Hop#067 ma ahayn mid lagu shaqeeyo, waxaana si xasaanad raadin ah ugu fadhiyey ganacsade Caddow Cali Gees, laakiin qeylo dhaanta ka socota baraha bulshada ee xilligan ayaa salka ku heysa laba qodob oo ah in Musharaxa dooran ee Yaasiin Farey uu taageero ka heysto Farmaajo iyo Kiiska Ikraan Tahliil.
