Saturday, April 19, 2025

XOG ku saabsan Shirka Muqdisho, Madaxda ka qeyb galeysa iyo 2 Madaxweyne oo ka maqan..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Shirka Qaran ee Wadatashiga Doorashada oo maanta la filayo inuu ka furmo caasimadda Muqdisho.

Shirka ayaa la sheegay inuu si hordhac ah u furmayo iyadoo uu ka maqan yahay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe oo arrimo tacsi ah dartood dib u dhac ku yimid imaanshihiisa Muqdisho, lana filayo Sabtida.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa galabta soo gaaray Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay Groonka Muqdisho, waxaana la qabanqaabinayaa munaasabad furitaan oo hordhac ah, halka shirka rasmiga ah la filayo inuu dib u dhaco.

Ad

Madaxweynaha Puntland ayaa safarkiisii dib u dhacay, isagoo ku sugnaa magalada Nairobi, waxayna wararku sheegayaan arrimo soo kordhay dartood inuu Sabtida kusoo wajahan yahay Muqdisho.

Shirka Wadatashiga Doorashooyinka ayaa hadda furmi doona Sabtida 22-ka bishan May, waxaana ka wada qeyb galaya madaxda maamul Goboleedyada, G/Banaadir, madaxweynayaashii hore iyo guddoomiyaha Aqalka Sare, halka madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo uu isna ku biiri doono shirka.

Qabanqaabada shirka waxaa wada xafiiska Ra’iisal wasaaraha, waxaana jira arrimo aan weli go’aan laga gaarin oo ay ka mid yihiin shir guddoonka Shirka iyo ajendayaasha shirka oo kulamada hore go’aan looga gaari doono.

- Advertisement -

Waxaa madaxda ku sugan magaalada Muqdisho u bilowday shirar doceedyo hordhac ah oo loogu gogol xaarayo shirka weyn, waxaana Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif hoygiisa ugu ku casuumay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON