Jahawareer xoog leh ayaa hareeyay sixitaanka iyo kala xalinta Cabashada laga keenay Guddiyada Doorashada oo ahaa qodobka koowaad ee heshiiskii labaad ee Doorashada oo Muqdisho lagu saxiixay 27 May 2021.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddi ka tirsan wasiirada xukuumadiisa u saaray inay garsoore ka noqdaan arrintan ayna Guddiyada ka saareen xubnaha ka mida ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, iyadoo aan xan loo helin waxa laga yeelayo taageerayaasha madaxda dowladda ama mucaaradka.
Musharixiinta, Aqalka Sare iyo Guddoonka Golaha Shacbaka yaa cabasho ka keenay 68 xubnood oo ka mida Guddiyada Doorashada heerarkooda kala duwan, waxaana magacyadooda shaaciyey Guddiga xukuumadda u saartay arrintan, taasoo ahayd khaladkii ugu horeeyay ee ay galeen, kadibna waxay shaaciyeen in 34 xubnood laga saaray Guddiyada Doorashada, iyadoo aan sheegin magacyadood iyo habka loo maray in Guddiyada laga saaro.
In ka badan saddex toddobaad oo arrintan lagu howlahaa waxaa sii xoogeysanaya jahawareerka guddi saarista iyo soo magacaabista xubnha cusub, waxaana dhinaca mucaaradka ay ku doodeen inay weli guddiya ku jiraan shaqaale dowladeed iyo taageerayaashii Farmaajo, laakiin taas bedelkeed, waxay Guddiga Wasiirada dib u celiyeen xubin uu soo magacaabay Madaxweynaha Galmudug oo dhinaca Madaxtooyada kusoo eedeysay inay taageere u tahay Mucaaradka.
Caqabadaha ugu danbeeya ee dhammeystirka Guddigan hortaagan ayaa kala ah:
1- Xubnaha ay ahayd inay soo magacawdo xukuumadda ee kasoo jeeda Somaliland oo dood culus uu ka keenay Guddooiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi.
2- Iyo Xubno ay kala wataan Mucaaradka iyo Madaxtooyada oo mid kasta doonaya inuu culeys saaro Ra’iisal wasaare Rooble oo hadda u muuqda mid u dhega-nugul madaxtooyada.
In muddo Bil ku dhowaad ah aan weli xal loo helin qodobkii ugu horeeyay ee heshiiska Doorashada oo loo qabtay in muddo 5 maalmood ah lagu dhammeytiro, waxay caddeyn u tahay in Doorashada aysanku dhici doonin waqtigii loogu talogalay iyo cagajiidka ka muuqda xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
