Kadib khudbadii uu madaxweynaha xilligiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi xalay saqdii dhaxe jeediyey ayaa waxaa soo baxay shaki badan oo ku xeeran halka dalku aadi doono.
Inkastoo Farmaajo soo dhoweeyay go’aanadii ka soo baxay Ra’iisal wasaarihiisa iyo madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ku diideen Muddo kororsiga, haddana sooma hadal qaadin go’aankii uu ku adkeystay ee Aqalka hoose 2-da sano u kordhiyey xilka.
Saacadihii ugu danbeeyay waxaa soo baxay warar ku saabsan in Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee baarlamaankii 10-aad iyo Farmaajo oo xalay shir gaara yeeshay ay qorsheynayaan xaalad kale oo dalka la geliyo, taasoo noqon karta in mooshin xilka looga qaado Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ama la diido Heshiiskii Doorashada 17-ka September 2020.
Waxaa sii kordhaya guuxa ka dhex jira xildhibaannada taageersan muddo kordhinta iyo Maxamed Farmaajo, waxaana isha lagu wada hayaa kulanka Sabtida ee uu xildhibaannada uguu baaqay Maxamed Mursal, kaasoo qoraalka soo saaray daqiiqado kadib khudbadii Farmaajo.
Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay hore isu khilaafeen guddoomiyaha Aqalka Sare iyo madaxda Puntland iyo Jubbaland, wuxuu shalay waayey saddexdii maamul Goboleed ee taageeri jiray (Galmudug, Hirshabeelle, iyo K/Galbeed), waxaana ugu danbeeyay Ra’iisal wasaarihiisii oo isna ka hor yimid muddo kordhinta, waxaana hadda uu ku tiirsan yahay Maxamed Mursal iyo qeyb ka xildhibaannada Aqalka hoose oo ah halka ugu danbeysa ee dowladnimadii uu ka hayo.