Friday, March 28, 2025

XOG: Imaaraadka oo kulan isugu keenaya Madaxweynayasha Somaliland & Puntland

Dowladda Imaaraadka Carabta oo ku dhex jirta arrrimaha Soomaaliya ayaa qabanqaabineysa kulankii ugu horeeyay ee dhex maray madaxweynayaasha maamullada ay taageerto ee Somaliland iyo Puntalnd.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa saaka ka dhoofay magaalada Hargeysa, kadib diyaarad gaara oo Imaaraadku u soo direen, waxaana xilligan ku sugan dalkaasi madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ka baaqsaday safarro uu ku tegi lahaa dalalka Kenya iyo Shiinaha.

Wararka laga helay xubno ka mida wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa laga soo xigtay in madaxweynaha Puntland oo shalay ku wajahnaa Nairobi laga baajiyey safarkaasi, iyadoo Imaaradku soo garsiiyey in Muuse Biixi uu aqblay qorshe ay lagu wada-hadalsiinayo madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland.

Ad

Waxaa la filayaa in Muuse Biixi iyo Siciid Deni ay caawa kula gaara yeelan doonaan iyadoo ay qabanqaabisay dowladda Imaaraadka, waxayna arrintan dhabarjab ku tahay dowladda Federalka Soomaaliya oo khilaaf diblomaasiyadeed kala dhaxeeyo Imaaraadka.

Dhinaca kale Somaliland oo muddo dheer diidaneyd inay maamulka Puntland la hadasho ayey saameyn siyaasadeed ku yeelan doontaa, iyadoo kulanku u muuqdo mid qarsoodi ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON