Waxaa hoos u dhac weyn laga dareemayaa ololihii Doorashada musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo billihii ugu danbeeyay uu hoos u dhacay dhaqdhaqaaqiisa.
Madaxweynihii hore, ahna Xildhibaan aan dhicin Xasan Sheekh Maxamuud waxaa dib u dhac kasoo wajahay doorashadii Aqalka Sare oo aanu dadaal weyn ka muuqan, isla markaana xubnihii ugu dhowaa qaarkood meesha laga saaray sida maamulka K/Galbeed, qaar kalena looga adkaaday doorashada sida Maamulka Hirshabeelle oo kuraasta qaarkood ay uga guuleysteen taageerayaasha Sheekh Shariif
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Xasan Sheekh ay soo wajahday dhaqaale darro keentay in xildhibaannada xisbigiisa ka mid ahaa ay kuraastooda waayaan, qaar kalena ay hadda raadinayaan Musharixiin kale oo taageera, markii ay gacan ka waayeen Hoggaamiyahooda.
Jugta Musharax Xasan Sheekh kasoo gaartay Doorashadii Aqalka Sare iyo xaaladda dhaqaale ee heysata ayaa soo shaac bixisay hoos u dhaca saameyntii uu ku lahaa doorashada sida gaabiska ah ku socota ee hadda la guda galay Golaha Shacabka, laakiin ma kale khilaaf ka taagan yahay.
Dib u dhac kale waxay kasoo gaartay iyadoo saaxiibada kale ee isbaheysiga la lahaa ay halis ugu jiraan inay waayeen kuraastooda Golaha shacabka, iyadoo maamulka Galmudug uu hore meesha uga saaray kursigii Guddoomiye ku xigeenkii Aqalka sSare Abshir Bukaari, haddana la filayo inuu kursigii Golaha Shacabka waayo Axmed Macalin Fiqi.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu isbaheysi siyaasadeed la galo Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo isaguna ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, balse aan weli is-shaacin, laakiin haddii hoos u dhaca ololaha Doorashada ee Xasan Sheekh sii socdo waxaa adkaan doonta sida uu saameyn muuqata u yeelan lahaa.
Xilligan oo muranka ka taagan yahay qaabka ay ku bilaabatay Doorashada Golaha Shacabka ayaa Xasan Sheekh aanu mowqifkiisa ahayn mid cad, marka laga reebo inuu ka mida yahay Midowga Musharixiinta.