Sunday, December 8, 2024

XOG: Heshiisyada Milateri ee Dowladda Federalka la gashay Itoobiya, Masar Imaaraadka iyo Turkiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiisyo milateri oo qaarkood dhowr jeer la saxiixay la gashay dalal badan, kuwaasoo aan faahfaahin, lana geyn Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiisyada oo qaarkood ay Is-afgarad yihiin ayey dowladda Federaalka la saxiixatay dalal iska horjeeda, iyadoo heshiiskii qeylo dhaanta dhaliyay ee Imaaraadka la marsiiyay Golaha Wasiirada, sidoo kalena Is-afgaradkii Itoobiya aan weli faahfaahin laga bixin.

Dalalka dowladda Soomaaliya ay heshiisyada milateri la gashay waxaa ka mida: Imaaraadka Carabta, Masar, Itoobiya iyo heshiiskii ugu danbeeyay ee lala galay dalka Turkiga.

Ad

Heshiiska ay kala saxiixdeen Wasiirada Gaashaandhigga ayaa ah heshiis ku saabsan dhinacyada gaashaandhigga iyo dhaqaalaha, kaasi oo lagu sii horumarinayo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada wadddan iyo degenaanshiyaha gobolka.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo laga bixiyay Heshiiska cusub ee dowladda Federaalka la gashay Turkiga iyo waxa uu uga duwan yahay iskaashigii military ee dhaqaale ee horey uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Turkiga.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay Turkiga kula heshiisay ilaalinta xeebaha Dalka, halka heshiis noocaas oo kale la sheegay in hore dowladda ula gashay dalka Masar.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON