Monday, February 10, 2025

XOG: Guddoomiye Yariisow oo Madaxii Shirkad Muran ka taagnaa dowladii Xasan Sheekh ku soo daray Maamulka G/Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa maamulka Gobolka Banadir ku soo daray madaxa shirkadii Intifaac ee maamulkii hore G/Banaadir u qaabilsaneyd canshuur qaadista Guryaha Gobolka Banaadir.

Ninkan oo ka mid ahaa madaxda ugu sareya shirkadda Gaarka ah ee Intifaac laguna magacaabo Faaruuq Cali ayaa loo magacaabay toddobaadkii hore Xubinta canshuuraha Guryaha ee maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo maamulka G/Banaadir uu qorsheynayo inuu dib u bilaabo canshuurihii laga qaadi jiray Guryaha Gobolka Banaadir.

Shirkadii Intifaac oo xilligii uu maamulka G/Banaadir ka talinayay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimnaale heshiis qarsoodi ah lagula galay inay canshuurta ka qaado Guryaha Gobolka Banaadir ayaa xiriir la lahayd mid ka mida xaasaskii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo qaraabo dhow la ah Guddoomiyaha xilligan ee G/Banaadir Yariisow.

Ad

Magacaabidda madaxii shirkadda Intifaac ayaa dib u soo nooleysay shakiga laga qabo xiriirka ka dhaxeeya guddoomiyaha G/Banadir iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana socda qorshe cusub oo dib loogu soo nooleynayo canshuurta guryaha, iyadoo howshii hore ee shirkaddan ay sharci darro ku tilmaameen hanti dhowrkii hore ee dowladda iyo madax ka tirsan Gobolka Banaadir.

HOOS KA AKHRISO MACLUUMAAD KU SAABSAN SHIRKADA INTIFAAC

KASHIFAAD: Shirkad gaara oo canshuur ka qaadata Guryaha Muqdisho & fadeexad ka jirta khidmada la qaadayo

- Advertisement -

 

KASHIFAAD: Sidee loo qeybsaday lacagta canshuurta ee laga qaadayo Guryaha Muqdisho

KASHIFAAD: Shirkad gaara oo canshuur qaadis ka wada Guryaha Muqdisho & fadeexad ka jirta khidmada la qaadayo

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON