Monday, February 10, 2025

XOG: Guddoomiye Yariisow oo Dalbaday in laga bedelo mid ka mida ku-xigeenadiisa cusub [Akhri sababta]

Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir ayaa la sheegay inuu dalbaday in laga bedelo mid ka mida guddoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir ee lala magacaabay isaga.

Guddoomiye C/raxmmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa xogta aanu helnay ay sheegeysaa inuu doonayo in xilka guddoomiye ku xigeenka Gobolka loo magacaabo nin hore u soo qabtay xilka oo ah Iimaan Nuur Iikar, kaasoo uu hadda kad higay  la-taliyihiisa gaarka ah.

Wararka ayaa sheegaya Iimaan Nuur Iikar oo ka mid ahaa Guddoomiye kuxigeenadii ugu waqtiga dheeraa ee soo mara Gobolka Banaadir uu leeyahay khibrad sare, isagoo la shaqeeyay afar guddoomiye Gobol.

Ad

Xilka guddoomiye ku xigeenka ee beesha Banaadir ayaa waxaa dhowaan madaxweyne Farmaajo u magacaabay Basra Caamir Axmed, waxaana dalabka Guddoomiye Yariisow ku diiday madaxda sare ee dowladda, iyadoo ay muddo qaadan doonto isbedel noocaasi ah.

Iimaan Nuur Iikar ayaa durba la arkay isagoo ku wehliyay guddoomiye Yariisow kulan uu la yeeshay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu xilka la-taliyaha guddoomiyaha sii heyn doono inta uu ka noqonayo guddoomiye ku xigeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON