Saturday, May 17, 2025

XOG: Guddoomiye Mursal oo ballanqaadyo siiyey xildhibaannada Mucaaradka iyo xaaladda khudbadda Rooble

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh ayaa xalay kulan gaara la yeeshay Guddi xildhibanno ah oo ka tirsan Kutlada la baxday Badbaado Qaran ee labada Aqal ee Baarlamaanka.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xaaladda Baarlamaanka iyo qaabka uu Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa ku hor tegayo maanta Golaha Shacabka, waxaana ballanqaad bixiyey Guddoomiye Mursal oo meesha ka saaray qodobadii ay ka biyo diideen xildhibaannada mucaaradka.

Arrrimaha ay ka hor yimaadeen Xildhibaannada Mucaaradka ayaa waxa ka mid ahaa in khudbadda Rooble lagu soo qaado muddo kordhin; in gudaha Baarlamaanka aan lasoo gelin ciidamada badan ee dharcadka ah iyo in la joojiyo cadaadiska lagu hayo saxaafadda Baarlamaanka ka howlgasha.

Ad

Guddoomiye Mursal ayaa u sheegay xildhibaanadii mucaaradka inay arrimahaasi kala hadleen Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka ogolaaday inaan Baarlamaanka dhexdiisa buuq laga dhalin oo Ra’iisal wasaaraha khudbadiisa ku ekaato hadal jeedin, laguna soo qaadin mudd kordhin iyo in ciidamada badan aan la soo gelin gudaha Baarlamaanka.

Kulanka ayaa ku dhammaaday is-afgarad, inkastoo ay weli jirto shaki ku saabsan waxa ka imaan kara Villa Somalia, waxaana lagu wadaa in fadhiga maanta ee Baarlamaanka uu ku koobnaado hadal jeedinta Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa ee Maxamed Xuseen Rooble.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON