Wednesday, December 4, 2024

XOG: Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee maamulka G/Banaadir oo Qarka u saaran in xilka laga qaado..

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca howlaha guud ayaa qarka u saaran in xilka laga qaado, kadib markii uu dhowaan shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha G/Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow.

Guddoomiye ku xigeenkan ayaa lagu eedeeyay in inuu ku kacay Amar diido iyo inuu shaqo joojin sharci darro ah ku sameeyay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Engineeriyadda, taasoo keentay in su’aallo badan ka dhashaan awoodda uu Guddoomiyaha Gobolka u leeyahay inuu shaqada ka joojiyo ku xigeenkiisa, iyado uu wareegto ku wada magacaabay Madaxweynaha.

Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa ka faa’iideystay xil ka qaadistii guddoomiye ku xigeenkii hore ee maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur, isagoo isla markiiba isku dayey inuu xilka ka qaado mid ka mida agaasime waaxeeyada dowladda Hoose, waxayna jawaabtii noqotay in isagii shaqada laga joojiyo.

Ad

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu arrintan go’aan ka gaari doono, iyadoo xil ka qaadsita Aadan Sheekh Cali Fiidow lagu wado inay soo baxdo, kadib markii Guddoomiye Yariisow uu sheegay inuusan la shaqeyn karin, halka warar kale sheegayaan in isbedel guud lagu sameyn doono maamulka G/Banaadir.

Guddoomiyaha G/Banaadir oo Shaqadii ka joojiyey ku-xigeenkiisii Howlaha Guud [Akhriso]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON