Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku biiray dadaalka loogu jiro wanwaan kenta inuu xilka Guddoomiyenimo ka tanaasulo guddoomiyaha Baarlamaanka ee mooshinku ka yaallo Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Mahad Cawad oo ka mid ahaa xubnaha ugu cadcad ee taageersan Jawaari ayaa la sheegay inay xiriir la sameeyeen madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay kala hadleen qorshe ay doonayaan inuu ku tanaasulo guddoomiye Jawaari oo si sharaf leh ku dhaca, waxayna ka ballan qaadeen inay howshaas soo gabagabeyn doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Mahad Cawad iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Cumar Carte ayaa madaxweyne Farmaajo ku qanciyey inuu hakiyo kulankii maanta la filayay inuu yeesho Baarlamaanka oo uu waday guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey, waxaana kadib maanta dhacay kulamo la isaga dab qaaday madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka.
Dadaalka ugu weyn ee socda ayaa hadda ka jira xafiiska Guddoomiye Jawaari, iyagoo dhexdooda isku khilaafay qaabka arrintan loo wajahayo, waxaana arrintu u janjeersatay in guddoomiye Jawaari uu ogolaado inuu xilka ka dego, iyadoo maamuus gaara loo sameyn doono arrintaasi.