Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sameeyay magacaabidii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka qabtay 31-ka Agost 2019.
Sida ay sheegeyso xogta ay heshay Goobjooge.net guddoomiye Cumar Filish ayaa agaasimaha maamulka Lacagta ee maamulka G/banaadir u magacaabay C/raxmaan Cumar Axmed oo ah nin ay qaraabo yihiin, lana dhashay xaaskiisa, waxaana sidoo kale uu xil kale u magacaabay nin kale oo ay wallaalo yihiin agaasimaha cusub oo isna lagu magacaabo Xamsa Cumar, kaasoo loo magacaabay xuin ka mida qeybta caafimaadka dowladda Hoose ee Muqdisho.
Xilka agaasimaha maamulka lacagta ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ahaa jago bannaan, waxaana iska casilay agaasimihii hore C/raxmaan Cusmaan Ibraahim, kadib markii ay is qabteen ku-simihii Guddoomiyaha, ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka & Maaliyadda G/banaadir Ibraahim Dheere arrimo ku saabsan musuq ka dhashay lacago fara badan oo lagu qaatay tacsidii Marxuum Eng. C/raxmaan Yariisow.
Waxaa kaloo jira xubno kale oo Guddoomiye Cumar Filish uu magacaabay, laakiin waxaa dad badan ka yaabiyey sida uu ugu dhiiraday inuu mar qura maamulka Gobolka Banaadir u magacaabo laba qof oo wallaalo ah, ayna qaraabo dhow yihiin guddoomiyaha.
Guddoomiyeyaashii Gobolka Banaadir soo maray ayaa intooda badan markii ay xilka qabtaan maamulka kusoo kordhin jiray shaqaale fara badan oo lagu qoro hab aan sax ahayn, waxaana maamulka cusub looga fadhiyey inuu wax ka qabto shaqaalaha fara badan ee Gobolka Banaadir ka qaata mushaarka ee aanay jirin wax ay qabtaan.