Monday, February 10, 2025

XOG: Guddoomiyaha G/Banaadir oo xafiiska ka xirtay ku-xigeenkiisa Dhinaca Maaliyadda oo ku-sime u ahaa

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa cadaadis cusub saaray ku xigeenkiisa maamulka iyo Maaliyadda, kadib markii uu xafiiska ka xirtay, kana xareystay dokumentiyadii maamulka.

Arrintan ayaa timid kadib markii Guddoomiye Cumar Filish socdaal ugu baxay dalka Qatar, isagoo ka mid aha wafdigii Ra’iisal wasaaraha, waxaana xarunta maamulka G/Banaadir hareeyay arrintan, markii ku-simaha guddoomiyaha Ibraahim Cumar Mahad-alle loo diiday inuu fariisto xafiiska Guddoomiyaha maalmihii uu dalka ka maqnaa.

Xogta aanu helny ayaa sheegaysa in gacan-yareyaasha Guddoomiyaha G/Banaadir ay ku wargeliyaan Ibraahim Dheere inuusan ku shaqeyn karin xafiiska Guddoomiyaha, wax dokumenti ahna ka isticmaali karin, sidaasina amarka lagu siiyey, taasoo keentay in ku-simaha uu qaadi waayo wax tallaabo ah.

Ad

Wararka qaar ayaa sheegaya in guddoomiye Cumar Filish uu ka carooday qaabkii uu xafiiskiis u maamulay ku-xigeenkiisa Maaliyadda intii uu ku maqnaa socdaalkiisii dibadda ee ugu horeeyay, kaasoo uu ku tegay K/Afrika.

Hore ayaa Guddoomyaha G/Banaadir iyo kuxigeenkiisa maamulka iyo maaliyadda loo heshiisiiyay markii dhammaan guddoomiye ku xigeennada Gobolka ay cadaadis weyn kala kulmeen guddoomiyaha cusub.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON