Tuesday, December 3, 2024

XOG: Golaha Shacabka oo Xaalad Adag galay (Mooshinada la wado iyo Kooram la’aanta)

Waxa mar kale maanta baaqday kulan la filayay inay yeeshaan xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, kadib markii ay soo xaadiri waayeen xubno kooram gaaraya.

Kulmadii Golaha Shacabka ayaa hakad galay toddobaadkan oo dhan, iyadoo ay mooshinno iyo khilaaf hareeyeen xildhibaannada iyo Guddoonka Golaha Shacabka, waxaana mooshin laga keenay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Sacdiya Yaasiin.

Xildhibaanno u badan taageerayaasha madaxweynihii hore ee Farmaajo iyo qaar kale oo ku biiray ayaa Mooshin eedeyn ah ka gudbiyey Guddoomiye ku xigeenka Sacdiya, waxaana la sheegay in mooshinkaasi uu yahay mid ujeedo siyaasadeed laga leeyahay.

Ad

Sidoo kale waxaa jira laba Mooshin oo xaaladda amniga iyo Gunnada Xildhibananada, waxaana dalka ka maqan madaxweyne Xasan Sheekh, halka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ku-sime ah uu ku sugan yahay magaalada Xudur.

Xaaladda ayaa qasan, waxayna xildhibaannada abaabulan doonayaan inaysan shirarka baarlamaanka guddoomin Sacdiy Yaasiin. Dhinaca kale Guddoonka Baarlamaanka ayaa dadaal ugu jira inuu xaliyo mooshinnada la wado oo waanwaan lagu dhammeeyo.

Waa qalalaasihii ugu horeeyay ee hareeyay Guddoonka Golaha Shacabka 9 bilood oo kaliya markii la dhaariyey Baarlamaanka 11-aad, waxaana la sugayaa sida xaaladu ku dhammaato.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON