Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inay xafiiska Farmaajo gaareen Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha NISA ee uu magacaabay Ra’iisal wasare Maxamed Xuseen Rooble.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Farmajo iyo Rooble ay gaareen heshiis meel dhexaad ah oo ku saabsan maamulka Wasaradda Amniga iyo Hay’adda NISA, kadib waanwaan maalmihii ugu danbeysay laga dhex waday.
Farmaajo ayaa ogolaaday magacaabidda xilka wasiirka Amniga ee xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur u magacaabay Rooble, taas bedelkeedna Rooble aya aqbalay inuu xilka Hay’adda NISA sii hayo Yaasiin Farey inta mas’uul kale laga soo magacaabayo.
Agaasimaha NISA ee uu magacaabay Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inuu Farmaajo ku qancinayo in loo magacaabo xil kale, waxaana arrintan ay salka ku heysaa inuusan dooneyn in hay’adda NISA uu madax ka noqdo qof aanu isku hubin taageeradiisa.
Waxaa socda waanwaantii ugu danbeysay, waxaana la filayaa in lagu shaaciyo heshiis laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Farmaajo iyo Rooble.
Xalay ayaa markii ugu horeysay in muddo ah mar kale ay kulan toos ah yeesheen Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble oo hore ugu heshiin waayey waanwaantii uu waday madaxweynaha Galmudug.