Friday, March 14, 2025

XOG: Farmaajo oo go’aansaday inuu xilka ka qaado Guddoomiyaha G/Banaadir Cumar Filish

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu xilka ka qaado Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Filish).

Arrintan oo in muddo ah soo jiitameysay ayaa ugu danbeyn la sheegay inay kasoo dhammaatay Farmaajo, waxayna salka ku heysaa arimo maamul iyo mid siyaasadeed oo salka ku heysa ololaha dib u doorashada Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xogta laga helay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegeysa in xil ka qaadista Cumar Filish sabab looga dhigi doono arrimaha dhulka Danta Guud iyo musuq ka jira Maamulka Gobolka Banaadir, balse xilligan ay ku haboonaatay xil ka qaadistiisa.

Ad

Dacwadaha ku saabsan Dhulkan Dan Guud ee guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa hareeyay xafiiska Madaxweynaha muddo hore laga soo bilaabo bartamihii sanadkii 2020, laakiin ma jirin wax tallaabo ah oo uu ka qaaday Farmaajo.

Xil ka qaadistan ayaa lagu wadaa inay soo baxdo xilliyadda soo socda, iyadoo la sheegay in sidoo kale qofkii lagu bedeli lahaa uu diyaar u yahay. Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo uu Farmaajo dhowaan soo saaray wareegtadii labaad oo sharci darro ka dhigtay dhulalka danta guud ee la bixiyey intii uu xilka hayey.

Fadeexadii ugu horeysay ee dibadda u soo baxday ayaa ahayd qeyb ka mida Suuqa Siinaay oo uu farageliyey Farmaajo, kaasoo maamulka Gobolka Banaadir ku qasbanaaday inuu joojiyo muddo kooban (Halkan ka akhriso).

- Advertisement -

Liiska dhulalka danta guud ee la bixiyey, kuwa la isku heyso iyo dacwadaha dhulalkaasi oo faraha ka baxay ayaanay dhicin inuu Farmaajo wax tallaabo ah ka qaado, waxaana xilligan xil ka qaadista Cumar Filish ay u muuqataa mid ka mida ololeyaasha Doorashada.

Halkan ka akhriso: Yuu Farmaajo u magacaabi doonaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir..?

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON