Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh ugu jirta sidii ay Doorashada Aqalka Sare uga dhici lahayd maamulka Galmudug, arrintaas oo maalmihii ugu danbeeyay si xowli ah ku socotay.
Galmudug ayaa la sheegay inay tahay maamulka labaad ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo doonayo inuu qabto Doorashada Aqalka Sare, xilli Guddiga lagu muran yahay ee Doorashada dowladda la filayo inuu dhowaan soo saaro Jadwal cusub oo Doorasho, markii uu socon waayey jadwalkii madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa oo isu muujiyey inuu dhexdhexaad ka yahay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Musharixiinta Madaxweynaha ayaa xog hoose sheegeysaa inuu si buuxda u taageersan yahay qorshaha Doorashada ee Madaxtooyada Soomaaliya, isla markaana uu diyaarinayo sidii ay Baarlamaanka Galmudug degdeg ugu dooran lahaayeen senatoorada Aqalka Sare.
XOG: Qoorqoor go’aan culus ka qaatay Doorashada 2020/2021 iyo Musharixiinta Mucaaradka oo kulankii..
Ololaha Madaxtooyada wado iyo saameynta ay ku leedahay Galmudug ayaa soo baxday markii ay taageero ka heshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, waxaana qorshaha siyaasadeed Madaxtooyada markii ugu horeysay qeyb ka noqotay marwada Madaxweynaha oo culeys ku leh siyaasiyiint beesheeda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Guddoonka iyo xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, taasoo qeyb ka ah ololaha doorashada Madaxweynaha oo doonaya inuu doorashada ugu horeysa ee aqalka sare ka qabto saddexda maamul ee K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.
XOG: Maamul Goboleedyada oo 3 Qeybood ugu kala jabay Doorashada (Yaa ku soo haray Farmaajo..?)
Mushariixinta Madaxweynaha ee saameynta leh oo intooda badan kasoo jeeda Galmudug ayaa u muuqda inay luminayaan Galmudug, iyadoo dagaalka Doorashada uu ku socdo inuu Galmudug Mucaaradka ugu guuleysan karo Madaxweyne Farmaajo, haddii ay xaaladu sidan ku socoto.
Madaxweyne Farmajo iyo kooxdiisa ayaa aamisan haddii ay ku guuleystaan inay saddex maamul Goboleed ka qabtaan Doorashada Aqalka Sare inuu sidaasi sharci ku noqonayaan Guddiyada Doorashada, isla markaana noqoneyso ay rasmi u bilaabatay Doorashada, si Puntland iyo Jubbaland qasab ugu noqoto inay kusoo biiraan Doorashada.

