Khilaaf ayaa hareeyay Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kadib markii ay soo baxday inuu faragelin ku hayo agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa magacaabidooda waxaa hore gacan weyn ku lahaa Agaasimaha NISA, waxaana markii isbedelka lagu sameeyay mar kale kusoo baxay xubno uu isagu watay, iyadoo xilka guddoomiyaha Guddiga loo magacaabay xubin ka mida taageerayaashiisa.
Arrinta khilaafka keentay ayaa ah in iyadoo guddigan oo aan dooran hoggaankiisa uu guda galay sameynta habraac la doonayo in awood lagu siiyo Xoghayaha Guddiga oo aan weli la magacaabin, balse loo wado xubin ay qaraabo yihiin Fahad Yaasiin. Arrintaas oo laga hortegay ayaa mar kale dib usoo kacday markii la doortay guddoonka Guddiga.
Shirarkii maalmihii ugu danbeeyay Guddigu ka yeesahy mel marinta habraaciisa shaqo ayaa la isku mari waayey, markii xubnaha qaarkood ay ka hor yimaadeen in xogheynta Guddiga la siiyo awoodo ay ka mid tahay kormeerka, isla markaana noqdo mas’uulka leh warbixinta Doorashada.
Xoghayaha iyadoo aan la magacaabin awoodda dheeraadka ah loo raadinayo ayaa farta lagu fiiqay inuu yahay Maxamed Xuseen Ceynte oo uu soo magacaabay Fahad Yaasiin, ayna qaraabo yihiin, waxaana arrintan dagaal ka hagaya oo faraha kula jira Madaxa NISA, iyadoo ay jiraan xubno kale oo xilkaasi ka mudan awood qeybsi ahaan.
11-ka xubnood ee Guddiga Doorashada Hirshabeelle ayaa awoodi waayey in xal u helaan khilaafka habraacda uu ku shaqeynayo Guddiga, taasoo ay ugu wacan tahay in Guddoomiyaha Guddiga ee awoodiisa uu qaadanayo xoghayaha uu raali ku yahay inuu magac ahaan xilkaasi isgaa hayo.
Agaasimaha NISA oo la sheegay inuu yahay Musharax u taagan Kursiga HOP086 ayaa cadaadis weyn ku haya Madaxweynaha Hirshabeelle Ali Guudlaawe, taasoo keentay inuu indhaha ka qabsado Guddigii hore ee uu magacaabay Maxamed Cabdi Waare, kadibna xubnihii lagu helay inay ka mid yihiin NISA ee la bedelay mar kale fursad u siiyey Fahad Yaasiin inuu xubno cusub kusoo bedesho.
Arrinta la yaabka leh ayaa waxay tahay in madax bannaanida Guddiga ay difaacayaan xubno aad u tiro yar oo welibana cadaadis lagu hayo, halka tirada ugu badan ay noqdeen xubno ku yimid taageeranimada Madaxtooyada Soomaaliya iyo Agaasimaha NISA oo gadaal laga maamulayo.
