Saturday, January 25, 2025

XOG: Dowladda Soomaaliya oo Hay’ado Turki ah ka saaraysa Dalka [Akhri Sababta}

War xog ogaal ah ayaa sheegaya in Hay’ado iyo shirkado Turki ah laga saarayo magaalada Muqdisho

iyo dalka Soomaaliya kadib arrimo halis ah oo la sheegay inay ku lug yeesheen.

Hay’adaha farta ku godan tahay ayaa waxaa ka mida: DEVA oo gacanta ku heysta Isbitaalka weyn ee Muqdisho ku yaala ee DEVA iyo Nile Organization oo iyaduna maamusha hay’ado waxbarasho fara badan oo Turkigu ku leeyahay Soomaaliya.

Ad

Arrintan waxay ka danbeysay markii dowladda Turkiga ay codsi u soo gudbisay dowladda Soomaaliya, ayna ka dalbatay in lasoo afjaro joogitaanka Hay’adahaasi ee Soomaaliya.

Wararka ayaa tilmaamaya in labadan hay’adood  ay ku raad joogeen Sirdoonka Turkiga oo lagu hayo tuhuno la xiriira argagixisnimo, waxaana laga sugayaa dowladda Soomaaliya inay u hogaansanto dalabta dowladda Turkiga.

Lama oga sida loo maareyn doono bukaanada isbitaalka DEVA iyo cidda buuxin doonto adeegyadii caafimaad ee uu siin jiray boqolaalka Soomaalida ah, iyo weliba boqolaalka arday ee hay’ada NILE gacanta ku heysay, waxaase muuqata in dowladda Soomaaliya ay ku qasban tahay tallaabadan inay qaado.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON