Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kusoo baxday fadeexad kale oo ku saabsan lacago kal hore loogu deeqay in wax looga qabto fatahaadda webiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne.
Lacag gaareysa 1.5 Milyan Doolar (Hal Milyan iyo Shan Boqol Doollar) oo dowladda Shiinaha ugu deeqday fatahaaddii dalka ka dhacday sanadkii 2018 ee saameysay (Hiiraan, Sh/Dhexe iyo Gedo) ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya u adeegsatay bixinta kharashaadka dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya.
Lacagtan oo si Kaash ah dowladda Shiinaha u soo marsiiyey Danjiraha Shiinaha ayaa waxaa ka guddoomay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad May 2018, mana jirin wax lacag ah oo la gaarsiiyey magaalada Beledweyne.
Dhinaca kale waxaa meel ay ka baxeen la ogeyn laag gaareysa 1.1 Milyan oo doolar (Milyan iyo Boqol kun Doolar) oo isugu jirta 500,000 Doolar oo dowladda Soomaaliya ku yaboohday iyo 600,000 Doolar oo ka timid Jabuuti Oktoobar 2019, taasoo loogu talogalay fatahaadda Beledweyne.
Maamulka Hirshabelle iyo dowladda Soomaaliya ayaa weli a hadlin halka ay mareen lacagahani, waxayna arrintan isu bedeshay fadeexad soo wajahday dowladda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku dooda inay la dagaamaan musuqmaasuqa.
