Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diidmada ay dowladda Federaalka Soomaaliya kala hortimid Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u soo magacaabay Soomaaliyam kadib Qoraal rasmi oo ay udiray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.
Qoraalka ayaa lagu caddeyay inay Dowladda Fedraalka ka horjeeddo magacaabista John Mahama ee ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya. Warqad uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midnimada Afrika Moussa Faki Mahamat oo sax ahaanshaheeda la xaqiijiyey, kuna taariikheysan 9-ka May 2021, ayey dawladda Soomaaliya ku sheegtay inaysan taageereynin doonin John Mahama oo ahaa madaxweynihii hore ee dalkaGhana.
John Mahama waxaa la magacaabay 7-dii May 2021 si uu hoggaamiyayaasha Soomaalida ugala shaqeeyo sidii ay heshiis Doorasho oowadar-oggol iyo doorasho ku dhacda waqtiga ugu gaaban, taasoo ay hore u soo dhwoeysay iska dowladda Federaalka (Akhriso Warkan).
Warqadda uu Wasiirka Arrimaha Dibadda u qoray Moussa Faki Mahamat waxay Soomaaliya ku sheegtay in magacaabista ergay ee John Mahama aysan haatan shaqayn karin, sababtoo ah hannaanka heshiiska lagu wada yahay waxa billaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo kulan loo balansan yahay 20-ka May.
– Farmaajo oo caqabad lama filaan ah hordhigay Ergeyga Midowga Afrika u soo magacowday Soomaaliya
Waxay sheegtay Soomaaliya in magacaabistan ay jahawareer iyo siyaasadayn gelin karto hawsha Ra’iisul Wasaaraha oo billaabatay. Waxay kaloo Soomaaliya su’aal ka keentay dhex-dhexaadnimada John Mahama oo ay sheegtay inuu xiriiro qoto dheer la leeyahay hoggaanka Kenya.
Warar cusub oo laga helay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inay ergeyga Midowga Afrika u diidi doonto inuu yimaado Soomaaliya, isla markaana aysan wax wada-shaqeyn ah la yeelan doonin.