Xildhibaanno ka soo jeeda Beesha Hawiye oo ah Guddi u socday xaaladda siyaasiga u xiran dowladda Soomaaliya ee C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa xalay kulan la yeeshay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Kulanka ayaa looga dooday xaaladda siyaasiga iyo dalab ay wateen xildhibaannada oo ku saabsanaa in degdeg loo sii daayo C/raxmaan C/shakuur, waxaana dood saacado qaadatay kadib uu kulankii ku soo dhammaaday jawi degan, balse aan wax horumar ah laga gaarin.
Xildhibaannada ayaa watay dalab iyo hanjbaad wada socda, waxayna ujeedka ugu weyn ahaa inay Ra’iisal wasaaraha ku cadaadiyaan si loogu wareejiyo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku adkeystay in siyaasiga ay arrintiisa gacanta ku hayaan hay’adaha sharciga, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku amray in loo soo gabagabeeyo baaritaanka si sharci loogu kala baxo, wuxuuna caddeeyay in arrinta C/raxmaan C/shakuur si degdeg loo soo afjarayo.
Qaar ka mida xildhibaannada beesha Hawiye ayaa jeediyay hanjabaadyo ku saabsan inay ciidamo hor taagan yihiin, xaaladuna kasii dareyso haddii aan la soo deynin siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, taasoo markii danbe shirku ku soo dhammaaday in laga war sugo hay’adaha sharciga ee dowladda.