Sunday, May 25, 2025

XOG: Danjire Maxamed Cali America oo ka gaabsaday inuu xil cusub ka qabto dowladda Federaalka

Safiirka xilligiisu dhammaaday ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Amerika) ayaa la sheegay inuu ka gaabsaday xil cusub oo uu ka qabto dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii golaha Wasiirada dhowaan soo jeediyay in xilka laga qaado safiiro uu ka mid yahay iyagoo kuwa cusubna lahu dhawaaqay.

Madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa la sheegay inuu dhowaan magacaabi doono in ka badan shan safiiro oo ay soo jeediyeen golaha wasiirada iyadoo xubnaha safiiradaas uu intooda badan wato madaxweynaha.

america

Ad

Danjire Maxamed Cali America ayaa wararku sheegayaan in Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ay ka wadahadleen arrinta xil ka qaadistiisa oo sabab looga dhigay inuu waqti dheer hayay xilka safiirnimo ee dalka Kenya, isla markaana aad ugu raagay oo la doonayo in isbedel la sameeyo, wuxuuna Ra’iisal wasaaraha ka codsaday inuu xil ka qaadistaasi aqbalo, isla markaana uu soo jeediyo xil kale oo dowladda laga siiyo.

Danjiraha ayaa ku dooday inuusan xil kale ka rabin dowladda Federaalka oo markan uu nasayo, waqtina la qaadan doono qoyskiisa. Waxaa hore la isla dhex marayay in Cali America loo magacaabi doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Goobjooge.com

- Advertisement -

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON