Saturday, May 17, 2025

XOG: C/Weli Gaas oo Qarka u saaran inuu joojiyo Doorashooyinka 2016

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Galmudug uu qarka u saaran yahay inuu joojiyo howlaha doorashooyinka ee ka socda maamulkiisa.

C/weli Gaas oo dhowaan dib ugu soo laabtay kadib safar uu ku tegay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan ku eedeeyay dowladda Federaalka inay wado dagaalka Gaalkacyo, wuxuuna shaki geliyay sida doorasho u sii socon karto oo ay dowlad ula dhisan karaan wax uu ugu yeeray caddow duullaan ku haya.

C/weli Gaas: “Dagaalka Gaalkacyo waxaa laga hurinayaa Xamar, waana iska difaaceynaa…” (Dhageyso)

Ad

Madaxweynaha Puntland ayaa cadaadis ka heystaa beesha caalamka oo dooneysa inuu shaqsi ahaan soo farageliyo xiisada magaalada Gaalkacyo, waxaana u wehliya xubno maamulkiisa ka tirsan oo hoos ka wada dagaalka sida madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wasiiro ka tirsan maamulkiisa.

Dhaqdhaqaaqa kooxda Daacish ka bilowday Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa Gaas ku sii kordhinaya xaalada adag ee uu ku dhex jiro, waxaana u xayiran kulanka Baarlamaanka Puntland oo ay ku soo bateen xildhibaanada mucaaradsan.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo la wareegtay Degmada Qandala, Puntland

- Advertisement -

Xaalada adag ee C/weli Gaas ayaa laga cabsi qabaa inay keento go’aano aan laga fiirsan oo uu ku dhawaaqo, sida inuu xaalad degdeg ah ku soo rogo Puntland, taasoo saameyn ku yeelata doorashooyinka socodkoodu horeba u liitay ee 2016.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON