Monday, February 10, 2025

XOG CUSUB: Xukuumadda Cusub ee Cumar C/rashiid oo dhibaato weyn soo food saartay

Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay dhibaato weyn oo salka ku heysa  dhaqaale daradii ugu ba’neyd iyadoo aanay jirin wax kharasha ah oo lagu wado howl maalmeedka wasaaradaha kala duwan ee xukuumaddu ka kooban tahay. Sida ay sheegayaan xogaha ay heshay Goobjooge.com waxaa xayiran inta badan howlihii iyo dhaqdhaqaaqyadii dowladda iyadoo xaalada dhaqaale ee ay dhaxashay xukuumadani ay noqotay tii ugu xumeyd xilligii Kumeelgaarka kadib.

Wasiirka cusub ee Maaliyadda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaasi ayaa xilka la wareegay iyadoo aanay wax lacag ah dowladda ugu jirin Bankiga Dhexe kadib loolan dheer oo siyaasadeed oo dhex maray madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaarihii hore oo loo aaneynayo in lacago badan lagu bixiyay mooshinkii xilligaasi lagu riday xukuumadii hore.

fargeeti

Ad

[ad name=”HTML-2″]

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa dareemay culeyska dhaqaale iyo xaalada jaab marnaan ee ka jirta dakhligii xukuumada, waxaana u wehliya in looga tegay lacag deyn ah oo fara badan oo Ra’iisal wasaarihii hore ku wareejiyay, taasoo cadadkeeda la yaab ku riday Ra’iisal wasaare CCC. Arrimaha dhaqaalaha dowladda waxaa kaliya oo wax laga weydiin karaa wasiiru-dowlaha Maaliyadda oo xukuumadii horeba xilkaasi ka hayay Md. C/llaahi Maxamed Nuur oo si toos ah u hoostaga kuna shaqeeya tusaalooyinka madaxweynaha.

Dhaqaale la’aanta heysata xukuumadda ayaa ku soo beegmeysa iyadoo hadda uun xilka la wareegtay, isla markaana bad-xiranka dartiis ay yaraan doonaan kharashka laga helo Dekadda Muqdisho oo ah isha ugu weyn ee ay ku nooshahay dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

 

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

- Advertisement -

[ad name=”HTML-5″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON