Friday, April 18, 2025

XOG CUSUB: Sanbaloolshe oo Qorshe Amni & Khad Cagaaran u dejiyay Magaalada Muqdisho [Akhriso]

U GAARA GOOBJOOGE

Agaasimaha hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA ayaa la sheegay inuu qorshe amni oo nooc cusub ah u diyaariyay caasimadda Muqdisho.

Xogta ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu qorshihiisa ka dhaadhiciyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre.

Qorshahan waxaa ka mida howlgallo habeen iyo maalin soconaya iyo xaafado ka mida Muqdisho oo la go’doominayo iyadoo magaalada dadka soo gelaya laga doonayo damiin si loogu ogolaado inay labada gobol ee Shabeellooyinka ka yimaadaan loona ogolaado inay galaan caasimadda.

Ad

Qorshahan oo heerar kala duwan leh ayaa saameyn ku yeelanaya nolosha iyo isu socodka dadweynaha Gobolka Banaadir, iyadoo caasimadda loo qeybin doono laba qeybood oo qeyb ka mida ay dowladdu degan tahay, taasoo ka koobnaan doono dhowr degmo oo noqon doono kuwo Khad cagaaran leh oo la ogoleyn in hub lala galo.

Fulinta qorshaha ayaa lagu wadaa inuu bilowdo aakhirka bishan Ramadaan, inkastoo shaki badan ay ka muujinayaan qaar ka mida madaxda dowladda federaalka, taasoo ay ugu wacan tahay saameynta weyn ee uu Muqdisho ku yeelan doono qorshahan oo uu ku adkeysanayo Agaasime Sanbaloolshe.

- Advertisement -

LA SOCO WARBIXINNO KALE OO KU SAABSAN QORSHAHAN…

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON