Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka doonaya qoonde lacageed in laga siiyo Dekadda magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose oo hadda uu gacanta ku hayo maamulka Jubba ee Axmed Madoobe hogaamiyo iyo ciidamada AMISOM. Arrintan ayaa soo jiitameysay tan iyo markii Puntland gurmad balaaran siisay kooxda Axmed Madoobe dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee ay la galeen beelaha kale ee degaankaasi oo ay ugu hoseyso beesha Mareexaan.
[ad name=”HTML-4″]
Xiriirka Axmed Madoobe iyo Puntland ayaa xumaaday kadib heshiiskii Itoobiya ku dhex maray dowlada Federaalka iyo Axmed Madoobe, wuxuuna Axmed Madoobe ka biyo diiday dalabkii Faroole ee ahaa in qoonde laga siiyo lacagaha kasoo xerooda Dekadda Kismaayo, iyadoo Puntland ciidamo u dirtay Kismaayo, isla markaana kharash badan siisay maamulka Jubba. Maamulka Axmed Madoobe ayaa looga fadhiyaa sida uu Puntland ugu qancin doono inay ka tanaasusho dhaqaalaha Kismaayo iyo haddii uu ugu danbeyn aqbali doono arrintan.
Maamulka Dekadda Kismaayo ayaa heshiiska Addis dhigayaa in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya, taasoo aan weli dhicin, una muuqan inay dhici doonto. Madaxweynaha dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aya xiriir dhow la leh Axmed Madoobe, laakiin waxaa muuqata in markii uu madaxweyne u magacaabay kadib ay saameyn badan ku yeesheen xaalado kale oo ka fogeynaya Muqdisho.
Kenya ayaa saameyn weyn ku leh arrimaha Kismaayo, waxaana la sheegaa inay si hoose kharashka dekadda Kismaayo qeyb ku leeyihiin. Halka Puntland ay ku doodeyso in dhaqaale badan iyo xoog ka galay hirgelinta maamulka Jubba. Madaxweyne C/weli Gaas oo booqasho rasmi ah ku jooga Kismaayo ayaa dib u soo  nooleeyay dalabkii hore.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]