Xog cusub oo dhereaad ah ayaa kasoo baxeysa kiiska maqnaanshaha Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd gabar ka tirsan saraakiisha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo la waayey habeenkii 16-kii June 2021.
Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka, isla markaana metesha gabadha maqan ayaa sheegtay in tuhunka jira uu yahay markii ugu dabeysay in Ikraan lagu qaaday gaari uu lahaa mid ka mida saraakiisha sare ee Hay’adda NISA.
Waxay intaas ku dartay in gabadha ku maqan NISA oo ahayd Sarkaal ka tirsan hay’adda ay qoyskeeda u sheegtay inuu u hanjabay sarkaal sare oo ka tirsan NISA, ayna dooneyso inay dalka isaga tagto, iyadoo magaca sarkaalkaasina la hayo.
Xogta ugu danbeysay ee ay bixiyeen ehelka iyo siyaasiyiinta Beesha gabadha maqan ayaa sheegaya in Gaariga lagu qaaday Ikraan Tahliil Faarax uu lahaa Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir, qofka Gaariga ku kaxeeyayna uu yahay Darawalka Taliyahaasi.
Dhinaca kale qof ka mida ehelka Ikraan Tahliil ayaa shaaciyey magaca qofka ay u afduuban tahay gabadha ka mid ahayd saraakiisha NISA, isagoo farta ku fiiqay inuu wax ka ogyahay agaasimaha Hay’adda NISA.
Hay’adda NISA oo arrintan la weydiiyey ayaa ugu jawaabtay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow inay gabadha iyagana ka maqan tahay oo ay baaritaan ku hayaan kiiskooda, isla markaana ujeedka uu yahay in lagu xumeeyo magaca Hay’adda.
Arrimaha xoojiyey tuhunka laga qabo in Hay’adda NISA ay ku maqan tahay Ikraan waxaa ka mida:
1- Inay Ikran deganeyd kasoo horjeedka Xarunta dhexe ee NISA oo ah Goob aad loo ilaaliyo oo dad gaara loo ogol yahay inay galaan.
2- Muuqaalka ay duubtay Kaamerada qarsoon ee CCTV- oo muujiyey in Gaariga lagu qaaday uu lahaa Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir, Darawalkiisana uu waday.
3- Inay NISA ku gaabsatay inay baareyso arrintan, iyadoo aan qaadin tallaabo muuqata sida in lasoo xiro qofkii Gaariga ku qaaday iyo dadka tuhunka saaran yahay.
