Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamud (Cumar Filish) ayaa xil cusub kusoo kordhiyey maamulka Gobolka Banaadir, kadib markii uu dhowaan magacaabay agaasimaha guud ee Arrimaha Dhulalka.
Xlkan oo aan hore u jirin ayaa lagu qanciyey beesha uu kasoo jeedo agaasimihii hore ee nadaafadda G/Banaadir oo ku geeriooday qaraxii xarunta Gobolka ay cadaadis ku saartay Guddoomiye Cumar Filish inuu xilkan siiyo, waxaana shaqada agaasimaha cusub lagu qoray wareegtada lagu magcaabay oo soo baxday aakhirkii bishii Febraayo 2020-ka.
Agaasimaha guud ee arrimaha dhulalka ayaa waxaa loo magacaabay C/raxmaan Axmed Cumar (Cabdi Barre), iyadoo shaqadiisa oo wareegtada lagu caddeeyay ay tahay hubinta arrimaha dhulalka, wuxuuna xilkan ka baxsan yahay hab maamulka sharciga dowlada hoose ee Muqdisho oo aanu ku jirin xilkan cusub, iyadoo uu hore jiray Agaasimaha Waaxda Dhulka ee Dowladda Hoose.
14-kii Maarso ayuu agaasimaha guud ee cusub la kulmay shaqaalaha waaxda dhulka oo uu u jiro Agaasimaha Waaxda Dhulka, waxaana waaxdani ay hadda noqotay mid leh laba agaasime oo shaqadoodu isku dhex yaacsan tahay, iyadoo qaabka awood qeybsiga Gobolka Banaadir ku keentay su’aalo badan.
HOOS KA AKHRISO


Hore waxaa xilalka agaasimeyaal ah ugu soo kordhiyey maamulka G/Banaadir Guddoomiyihii hore ee C/raxmaan Yariisow, kuwaasoo markii danbe shaqeyn waayey.