Saturday, April 26, 2025

XOG: Cabdi Qeybdiid loo xiray Kursigii Aqalka Sare (Sidee loo qanciyey Axmed Ducaale Xaaf?)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Abdi Kaariye ayaa xalay soo saaray liiska musharixiinta laba kursi oo ka harsanaa Aqalka SarÄ™, iyadoo Galmudug in muddo ah laga dalbanayey inuu soo dhameystiro Doorashada.

Kursi kasta ayaa waxaa ku tartami doona laba kursi, waxaana kursiga uu ku fadhiyo Senator Cabdi Xasan Sheekh Maxamuud Cawaale (Qeybdiid) hadda kula tartamaya musharax la sheegay inuu tanaasuli doono, taasoo ka dhigan in loo xiray.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Qoorqoor uu ku qanciyey Axmed Ducaale Geelle inuu ku gacan siin doono sidii uu ugu guuleysan lahaa Kursiga jufadiisa ee Golaha Shacabka, sidaasina looga reebay inuu la tartamo Qeydiid.

Ad

Kursigan oo uu hore Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Axmed Macallin Fiqi ayaa hadda u muuqda inuu Madaxweynaha Galmudug siiyey Xaaf, taasoo dhalisay khilaafka keenay inuu xilkii wasiirka Amniga Galmudug iska casilo Axmed Macallin Fiqi.

Senatoorada kasoo baxay Galmudug ayaa dhammaantood ahaa kuwo uu taageersanaa Axmed Qoorqoor, mana jirin tartan ka dhacay Baarlamaanka Galmudug.

No photo description available.
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON