Waxaa magaalada Muqdisho ka socda dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo iska hor imaadyada 24-kii saac ee ugu danbeeyay ka dhacay, loogana hortago dagaallo hor leh oo ka dhaca.
Dadaalka nabadeed oo ay hore u bilaabeen odayaal iyo siyaasiyiin ayaa waxaa hadda ku biiray wakiilada Beesha Caalamka oo kulamo khadka kula leh musharixiinta Madaxweynaha ee ku lugta lahaa iska hor imaadyada ka dhacay Muqdisho.
Cadaadis la saaray madaxweynaah muddo xileedkiisu dhammaday ayaa keenay inuu dib u celiyo ciidamadii taabacsanaa ee la dagaalamayey ciidamada ka horjeeda muddo kororsigiisa, taasoo keenay in qeybo muhiim ah oo ka mida caasimada ay ku sugan yihiin ciidamada taabacsan musharixiinta.
Waxaa socda qorshe ciidamada AMISOM lagu dhigayo magaalada si loo kala dhex galo laba dhinac, arrintaas oo ay diidan yihiin labada dhinacba, waxaana weli la ogeyn halka xaaladdan adag looga gudbayo.
Waxaa xaalad adag ku jira Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Mxamed C/llaahi Farmaajo oo musharixiinta ay dalbanayaan inuu is casilo ama ugu yaraan ku laabto wadahadal aanu awood ku lahayn oo lagu gaaro heshiis Doorasho.
