Wakiilada beesha Caalamka ayaa xalay kulan gaara ugu yeeray madaxda Maamul Goboleedyada taageersan Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo la gaarsiiyey farriin culus.
Ilo ku dhow madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed ayaa sheegay in kulanka oo ahaa mid ay degdeg u dalbadeen wakiilada beesha caalamka looga hadlay fashilka ku yimid wadahadalkii Madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada.
Saddexda Madaxweyne oo la safan Maxamed Farmaajo ayaa u sheegay beesha caalamka in fashilka shirka ay mas’uul ka yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, iyaguna ay doonayaan inay dib ugu laabtaan maamulladooda.
Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay saddexda madaxweyne gaarsiisay farriin culus oo ah inaysan ka bixin karin Muqdisho ilaa xal laga gaarayo arrinta Doorashada, ayna ka war sugaan Beesha caalamka.
Waxaa lagu wadaa inay wakiilada Beesha Caalamaka kulamo kala gaara maanta la yeeshaan Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa shalay ku dhawaaqday inuu fashilmay shirkii hordhaca ahaa ee Afisyoone, iyadoo eeda dusha ka saartay madaxda Puntland iyo Jubbaland, laakiin labadaas maamul ayaa ku eedeeyay Maxamed Farmaajo inuu raadinayo fashilka shirka si uu muddo kororsi u sameysto.