Wakiilada Beesha caalamka ayaa dadaal weyn ugu jira in meesha laga saaro caqabadda hortaagan doorasho ka dhacda magalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo oo ah degaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland.
16-ka kursi ee yaalla Gobolka Gedo ayaa hortaagan dhammeystirka Doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, kadib markii Madaxweynaha Hirshabelele uu ballan qaaday inuu inuu laba toddobad kusoo dhammeeyo kuraasta ku harsan Beledweyne iyo Jowhar.
Kadib kulamo ay wakiilada Beesha Caalamka Kismaayo kula yeesheen madaxweyne Axmed Madoobe iyo laba is arag oo dhex maray Ra’iisal wasaare Rooble qodobka ugu adag ee caqabadda cusub noqday ayaa ah in Doorashada laga wareejiyo Garbahaarey oo Axmed Madoobe doonayo, balse ay diidan tahay beesha caalamka si aan loo jebin heshiisyadii Doorashada.
Qoraal dhowaan kjasoo baxay beesha caalamka, si gaar ahna Mareykanka ugu ololeynayo ayaa lagu sheegay in kuraasta harsan si degdega loo dhammeytiro, iyadoo loo marayo heshiisyadii Doorashada, taasoo ka dhigan in Garbahaarey lagu qabto 16-ka Kursi ee ku harsan maamulka Jubbaland.
Guddi uu Ra’iisal wasaaraha u magacaabay xalinta arrinta Garbahaarey ayaa ku fashilmay inay tagaan magaaladaasi, waxaana xaaladda uga sii daray xiriirka aadka u liita ee ka dhaxeeya Rooble iyo Farmaajo.
Qorshihii ay doorasho uga dhici lahayd Garbahaarey aya weli cakiran, mana jiro xal uu hayo Rooble, halka Axmed Madoobe uu doonayo in doorashada laga wareejiyo magaaladaasi, xilli aanu wadahadalada qeyb ka ahayn Farmaajo oo maamulka Gobolka Gedo.
