Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa olole balaaran u galay in Miisaaniyada dowladda Soomaaliya oo uu ansixiyey Golaha Shacabka ay soo marto si ay u ansixiyaan iyagana.
Ansixinta Miisaaniyadda ayaan ka mid ahayn awoodaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka, laakiin dhowaan ayay iskood ugu darsadeen awoodooda iyagoo ansaxsaday inay qeyb ka noqdaan ansixinta miisaaniyadda [Akhriso warkan], waxaana arrintaasi ka hor yimid Wasiirka Dastuurka oo sheegay in Aqalka sare aanu awoodo dheeraad sameysan karin, kuwaasoo ka baxsan qodobadda ugu qoran Dastuurka. [Akhriso warkan]
Golaha shacabka ayaa ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018, waxayna u gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya, sida sharcigu ahaa oo ugu danbeyn saxiixi lahaa, laakiin waxaa ka daba tegay Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare oo madaxweyne Farmaajo kulan la yeeshay isla markaana dalbaday inuu Aqalka Sare u soo celiyo Miisaaniyadda si ay iyaguna u ansixiyaan.
Guddiga Golaha Aqalka sare ee la kulmay madaxweyne Farmaajo ayaa dacwad ka ahaa golaha shacabka oo miisaaniyadda 2018-ka la garab maray golaha aqalka sare, iyagoo markii ay ansixiyeen kadib u gudbiyay madaxweynaha si uu u saxiixo.
Muddo kadib ayuu madaxweyne Farmaajo ogolaaday in Aqalka Sare loo gudbiyo Miisaaniyadda kadib cadaadis la saaray, waxaana ugu danbeyn maanta la sheegay inay Aqalka sare ka doodayaan Miisaaniyaddii sanadka 2018.
Arrinta laga cabsi qabo ahaa ah in maanta oo u danbeysa sanadka 2017 haddii uu Aqalka sare ansixin waayo Miisaaniyadda dowladda ee 2018 ay dhici doonto inay gebi ahaan istaagaan kharash bixintii dowladda Federaalka, waxaana madaxweyne Farmaajo oo ahayd inuu saxiixo miisaaniyadda ka hor maanta oo ah December 31-keeda ka hor yimid Aqalka sare, waxayna arrintan keeni doontaa in howlihii dowladda oo dhan ay istaagana maadaama aan la bixin karin wax kharash ah “Government shut-down”.
Xildhibaannada Aqalka Sare oo ansaxsaday Qodob aan ka mid ahayn Shaqadooda [Akhriso]
Wasiir Xoosh oo Weerar dhinaca sharciga ah ku qaaday xildhibaannada Aqalka Sare [Akhriso]