Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in amarkii Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ee faarujinta Villa Somalia ay ka hor yimaadeen madax iyo hay’adaha degan xarunta madaxtooyada.
Fulinta amarkan oo maanta ku eg [Akhri halkan] ayaa waxaa soo saaray agaasimaha guud ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji oo ka dalbaday dhammaan dadka degan Madaxtooyada inay banneeyaan dhismaha si dayactir loogu sameeyo.
Madaxa isugu jira, wasiiro xildhibaano iyo madax hay’ado Qaran oo degan madaxtooyada ayaa ku adkeystay inaysan ku guuri karin waqtiga loo qabtay, isla markaana aanay jirin meelo kale oo loo diyaariyay, ayna arrintaas halis ku tahay ammaankooda.
Xildhibaano iyo madax kale ayaa go’aankaas si toos ah u diiday, iyagoo dacwad u qortay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxayna arirntan  u muuqataa mid la siyaasadeeyay.
Dowladda Imaaraadka ayaa kharash ku bixisay dayactirka Madaxtooyada Soomaaliya xilligii Xasan Sheekh, kaasoo qeyb ka mida madaxtooyada dib loogu habeeyay, laakiin wararka ayaa sheegaya in dowladda Qatar ay bixineyso kharashka dayactirka cusub.
Goobjooge