Saturday, March 15, 2025

XOG: Ahlu suna oo Degmada Matabaan ku wareejineysa Hirshabeelle & Jagooyin loogu bedelayo

Wadahadal magaalada Muqdisho ku dhex maray madaxda Ahlu suna iyo Maamulka Hirshabeelle ayaa looga hadlay xaaladda degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo Ahlu suna ka taliso, kana mida Hirshabelle.

Wararka ayaa sheegaya in Ahlu suna ay aqbashay in degmadaasi lagu soo wareejiyo maamulka Hirshabelle ee Gobolka Hiiraan iyadoo taas bedelkeed xilal laga siinayo maamulka Hirshabeelle.

Heshiiska labada dhinac oo aan la shaacin faahfaahintiisa ayaa ka danbeeyay kulan ay yeesheen madaxweynihii Ahlu suna Sheekh Maxamed Shaakir iyo hoggaamiyaha kooxdaasi Macalin Maxamuud iyo dhinaca kale madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Ad

Arrintan ayaa soo baxday kadib heshiiskii Ahlu suna iyo Galmudug ku midoobeen, waxaana dadka degan Matabbaan oo hore xubno ugu lahaa golaha wasiirada iyo xildhibaannada Hirshabeelle aan kala caddeyn xilalka cusub ee ay Ahlu suna ka heli doonto maamulka Hirshabeelle oo golihiisa wasiirada dhowaan la magacaabay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON