Thursday, November 30, 2023

Xisbullaah oo Duqeeyay Ciidamo Yuhuud ah iyo Mareykanka oo Gantaallo u diray Israel

Iyadoo maaintii Shanaad uu galay dagaalka u dhaxeeya kooxaha Muqaawamada reer Falastiin iyo Yuhuudda, kadib weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas qaaday Sabtidii ayaa dhinaca kale waxaa sii kordhaya qasaaraha labada dhinac.

Dowladda Mareykanka oo si toos ah ula safatay Isreal ayaa Diyaaradii ugu horeysay oo sida deeq Hub ah u dirtay Yuhuudda, Waxaana Deeqdaasi ay ahayd Gantaalaha ay adeegsadaan diyaaradaha dagaalka ee duqeynta ka wada Marinka Gaza.

Madaxda Mareykanka ayaa si aan hore loo arag u garab istaagay Yuhuudda, iyagoo ku doodaya inay xaq u leedahay difaaca dadkeeda, waxayna ku dhawaaqeen inay u dieen Markabka weyn Ford ee Diyaaradaha xambaara.

Ad

Dhinaca kale waxaa weli socda duqeynta diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ka wadaan Marinka Gaza oo degaano dhan ay dhulka la simeen duqeynta ay ku wadaan diyaaradaha Yuhuudda, iyadoo tirada dhimashada Falastiiniyiinta ay gaatay 1000 qof, halka dhaawaca ku dhow yahay 5000.

Marinka Gaza ayey Yuhuuddu ka gartay Korontadii, Biyihii iyo Cuntadii, iyadoo diiday in wax gargaar ah la gaarsiiyo Gaza, arrintaas oo lagu tilmaamay denbi dagaal oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Dhinaca kale qasaaraha dhinaca Yuhuudda ayaa sare u dhaafay 1200 dhimasho ah iyo in ka badan 3500 oo dhaawac ah, waxaana weli socda weerarrada Xamaas ay ka wado gudaha Israel iyo gantaalaha ay ku duqeyneyso magaalooyinka Yuhuudda.

- Advertisement -

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in duqeyn xoog leh ay ka socoto Xuduudka Lubnaan iyo Israel, iyadoo Xisbullah uu Gantaallo ku riday saldhig ay ciidamada Yuhuudda ku leeyihiin dhulka ay ka heystaan Lubnaan.

Qasaare ayaa la sheegay inuu gaaray ciidamo Yuhuud ah oo lagu duqeeyay saldhigga xuduudka Lubnaan, markii uu gantaal ku dhacay xaruntooda, waxayna Israel ku jawaabtay duqeyn dhul iyo cir ah.

Waxaa laga cabsi qabaa inuu ururka Xisbullaah dagaalka ku biiro, taasoo xaaladda uga sii dareysa, waxaana sii kordheysa duqeymaha ay is-weydaarsanayaan Xisbullah iyo Yuhuudda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON