Ururuka Xisbullaahi ee dalka Lubnaan ayaa weerar loo adeegsaday Diyaarad Drone ah ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaala degaanka Binyamina ee koonfurta magaalada Haifa ee Waqooyiga Israel.
Weerarka ayaa la sheegay inay ku dhinteen 3 Israa’iiliyiin ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 67 kale, markii diyaradda Drone ah ay ku qaraxday saldhigii ku sugnaayen ee magaalada Haifa, kaasoo noqday weerarkii ugu qasaaraha badnaa ee Yuhuudda soo gaara intii uu dagaalku billowday.
Qoraal ah oo uu soo saaray ururka Xisbullah ayaa lagu sheegay in ay weerar ku qaadeen xero lagu tababaro guutada Golani ee ku taal Binyamina si ay uga jawaabaan weeraradii ay Israa’iil ku qaaday xaafadaha caasimadda Beyruut iyo guud ahaan dalka Lubnaan.
Warbaahinta Israel ayaa faafisay in diyaaradda Drone ee Xisbullah oo miineysan ay ku habsatay goob lagu cunteeyo oo ay askar ku sugnaayeen, iyadoo aanay weli ka hadlin ciidamada Israel.