Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay kadib weerarro loo adeegsaday diyaaradaha Drone-ka ee miineysan oo ururka Xisbullaah ee reer Lubnaan ku qaaday Waqooyiga Israa’iil goor dhoweyd oo maanta ah.
Warbaahinta Yuhuudda ayaa goor dhoweyd soo werisay inuu qof ku dhintay, dhowr kalena ku dhaawacmeen weerarrada ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullah oo lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga Israa’iil oo ay ku jirto xero ciidan.
Waxaa kaloo qaraxyo laga maqlay magaalada Haifa ee dekadda ah. Mid ka mida dadka ku dhaawacmay Qaraxa ay dhalisay diyaarad Drone ah ayaa ku dul dhacay baabuur marayay magaalada Nahariya, kaasoo geeriyooday.
TV-ga Channel-ka 12-aad ee Israa’iil ayaa baahiyay in 5 Israa’iiliyiin ah ay ku dhaawacmeen duqeyntii ugu dambeysay ee Xisbullah ay galabta ka fuliyeen gobollada Jaliil iyo Nahariya.
Waxaa la xaqiijiyay inay qaraxyo ka dhaceen gudaha xero ciidan oo ku taal gacanka Haifa iyo Acre, iyadoo holac iyo uuro ay ka kaceen xeradaasi.
Dhinaca kale Xisbullaah ayaa shaaciyay inay weerartay xarunta guutada Golani iyo qaybta Egoz oo ku taalla xerada Shaaga ee waqooyiga Caka, waxaana la xaqiijiyay inay khasaare weyn gaarsiiyeen.
Xisbullah waxay sidoo kale shaacisay inay gantaallo la beegsatay gaari ay leeyihiin Israa’iil oo marayay agagaarka goobta lagu magacaabo Ruwaisat al-Alam.
Weerarada cusub ee Hezbollah ayaa ku soo beegmaya iyadoo la filayo jawaab uu xisbigu ka bixin doono dilkii hogaamiyihii Fouad Shukr ee lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaaday dhinaca koonfureed ee magaalada Beirut.