Xisbiga AK party ee madaxweynaha Turkiga Rajab Erdogan ayaa looga adkaaday doorashada dowladaha hoose ee magaalooyinka waaweyn ee dalka Turkiga, iyadoo mucaaradka ay ku guuleysteen magaalooyinka Ankara ee caasimadda ah, magaalada Istanbul iyo Magaalada Izmir.
Doorashooyinka Dowladda hoose ee Turkiga ayaa ahayd mid lagu ogaanayo shacbiyadda Madaxeyne Erdogan, waxaana si lama filaan ah magaalada Ankara ee caasimadda ah waxaa ku guuleystay xisbiga mucaaradka ugu weyn ee CHP.
Magaalada Istanbuul oo muddo dheer ahayd meel ay heystaan xisbiga AK Party ayaa hadda u muuqata inuu helayo mucaaradka, iyadoo si weyn loogu loolamay, isla markaana natiijadii ugu danbeysay uu ku horeeyo musharaxa mucaaradka.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in musharaxa xisbiga mucaaradka ee CHP Mansuur Yavas uu qarka u saaran yahay inuu ku guuleysto duqa magaalada Ankara, iyadoo codad fara badan oo hallaabay ay dood ka taagan tahay.

Madaxweyne Erdogan iyo xisbigiisa ayaa gacanta ku hayey magaalada Istanbul opo loo arko xarunta xisbiga AKP, waxaana madaxweyne Erdogan uu Duq magaalo ka noqday 1994-tii, iyadoo markaas kadib ay heysteen xisbigiisa, taasoo haddii looga guuleysto ka dhigan dharbaaxo weyn oo guuldarro.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in natiijada doorashooyinka dowladaha hoose ay keentay in xisbigiisa uu waayo magaalooyin dhowr ah, kuwo kale uu ku guuleysto, taasina ay tahay qeyb ka mida dimoqraadiyadda, wuxuuna intaasi ku daray inuu xoogga saari doono hagaajinta arrimaha dhaqaalaha.