Xisbiga Wadajir ee aan weli la sharciyeyn ayaa maanta shaaciyay Magacyada Taliyayaal iyo Saraakiil uu sheegay inay ka danbeyeen weerarka 17-kii December 2017 lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur oo ay sheegeen inuu yahay Xarunta Xisbiga ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Guutaale ayaa sheegay iney maanta gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ay ku eedeeyeen inuu fududeeyay weerarkii lagu dhaawacay Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame, isla markaana ay sidoo kale xareeyeen dacwad ka dhan ah Agaasimaha Madaxtooada Somaliya Fahad yaasiin Xaaji Daahir oo isna ku eedeysan inuu lahaa abaabulka lagu soo xiray C/raxmaan C/shakuur.
Wuxuu intaasi raaciyey magacyada Taliyeyaal uu sheegay nay hogaaminayeeny Weerarka oo kala ah:
1- C/Qaadir Maxamed Nuur Jaamac – Kusimaha Agaasimaha Nabadsugidda Soomaliya.
2- Saadaq Cumar Xasan – Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir
3 – C/Xakiin Nuur Ciise – Sarkaal NISA u qaabilsan arrimaha dibadda
4-Â Yaasiin Ganeey iyo Faarax Maxamuud Qaaroole oo ka tirsan Saraakiisha NISA .
Dacwadda iyo eedeynta taageerayaasha C/raxmaan C/shakuur ayaa u muuqata inay jawaab u tahay dacwada weli ku socota C/raxmaan C/shakuur ee keentay xayiraad laga saaro safarka, iyadoo aan la ogeyn caddeynta ay u heli karaan arrimahan.
C/raxmaan C/shakuur ayaa hore u sheegay inuu xubnahan iyo madaxda dowladda ka dacweyn doono dalalka ay dhalashada ka heystaan.