Kadib xariga ay Booliska Muqdisho u geysteen Weriye Cali-Nuur Salaad ayaa waxaa si weyn falkaasi u cambaareeyay saxafiyiin, madax hore iyo siyaaisyiin caan ah oo dalbaday in si degdega loo sii daayo.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Cali-Nuur Salaad in loo xiray muuqaal uu si toos ah ugu weerarray ciidamada Xoogga Dalka iyo madaxda dowladda Federaalka, isagoo Ciidamada ku tilmaamay kuwo lacagta ay qaataan ku qayila, sidaasina mar kasta Alshabaab ku weerarto, kuna leyso. Halka madaxda dowladda hadda jirta uu ku sifeeyay inay ka ganacsadaan Qaadka.
Weriyahan oo hore uga soo shaqeeyay warbaahin dhowra, soona noqday Madaxa Warbaahinta xafiiska Ra’iisal wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre ayaa qeyb ka ahaa ololihii Doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dadka u dhow ay sheegeen inuu sidoo mas’uul ka ahaa sameynta weerarro shaqsiyadeed oo lagu qaaday xilligaasi musharixiinta Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Inkastoo aan la xaqiijin karin inuu lahaa ‘Halheyskii Doorashada Xasan Sheekh ee ‘Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah’, haddana waxaa la xaqiijiyay inay isku koox ahaayeen agaasimihii hore ee Idaacadda Mustaqbal Axmed Ciise Guutaale oo loo magacabaay Hanti-dhowraha Qaranka, isaguna uu rajo badan ka lahaa xil weyn.
Weriye Cali-nuur oo ka mid ahaa taageerayaasha ugu waaweyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo ka badan 2 sano sugayey inuu xil ka helo dowladda, taasoo ay caqabad ku noqotay xubno ay isku dhow yihiin oo dowladda ka tirsan.
Muddooyinkii danbe wuxuu Cali-Nuur sameeyay warbaahinta cusub ee ‘DAWAN TV’, isagoo aan kasoo muuqan, kadibna wuxuu si toos ah u bilaabay inuu baahiyo muuqaallo kooban oo uu uga hadlayo arrimaha bulshada iyo siyaasadda.
Muuqaalka ugu danbeeyay ee keenay in weriyaha la xiro, wuxuu si toos ah ugu weerarray Ciidamada iyo Madaxweynaha, taasoo soo dedejisay tallaabada ay Booliska qaadeen, wuxuuna hadda dhibane u noqday nidaamkii uu hoos ka soo dhisay.
Siyaasiyiinta canbaareeyay xarigiisa waxaa ka mida Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ku eedeeyay dowladda Xasan Sheekh inay ka shaqeyneyso aamusinta wariyaasha iyo warbaahinta madaxa bannaan.
Sidoo kale Ra’isul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa cambaareeyay xarigga wariye Calinuur Salaad, isagoo qoraal uu soo saaray ku sheegay in tallaabada ay tahay isku day lagu aamusinayo laguna caburinayo saxaafadda.
Dhinaca kaliya ee soo dhoweeyay xariga weriyaha waa taageerayaasha Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo aan isna ka hadlin falkan, waxayna weriyaha ku eedeeyeen inuu adeerkiis ‘Xasan Sheekh’ markii hore la safnaa oo madaxda kale loo adeegsan jiray inuu fadeexeeyo.